WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la isugu yeeray kulan Deg-deg ah

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa iclaamiyay fadhi gaar ah oo aan caadi aheyn oo maalinta Sabtida ay yeelanayaan Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Fadhigan aan caadiga aheyn ayaa waxaa Golaha Shacabka kula hadlaya Madaxweyne Farmaajo, si uu ugu sheego inuu dib loogu noqonayo heshiiskii doorashada ee 17 September, isla markaana looga laabto muddo kororsigii labada sano.

Xildhibaannada dalka dibadiisa ku sugan iyo kuwa gobolada dalka ku maqan ayaa la faray inay si degdeg u soo galaan Muqdisho, si ay u soo xaadiraan fadhiga aan caadiga aheyn ee maalinta Sabtida.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddoonka.

SOMALI NEWS

To Top