WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Puntland oo War kasoo saartay Go’aankii Galmudug iyo Hirshabeelle

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa caddeeysay mowqifkeeda ku aadan Go’aankii ay maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle uga soo horjeesteen muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweynaha dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Go’aankii ay qaateen Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe oo ay uga hor yimideen muddo kororsiga Farmaajo, ayna ugu baaqeen in la qabto doorasho Deg-deg ah.

Puntland ayaa sidoo kale soo dhaweysay Go’aankii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta uu ku taageeray mowqifka Galmudug iyo Hirshabeelle, iyagoona ku baaqay in dib loogu soo laabto wada hadaladii si heshiis loo gaaro.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Warbixinta.

SOMALI NEWS

To Top