WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada G/Shacabka oo Maanta kulan ka leh Mooshin muddo kororsi

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa inay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa, kadib markii uu si rasmi ah u furmay kal-fadhiga saddexaad ee Golahaas.

Ajendayaasha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ee la shaaciyay ayaa ka kooban saddex qodob, waxaana ku jira mooshin wax ka bede loogu sameeynayo muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada oo la doonayo in la dhigo 5 sanno.

Guddi arrintan loo saaray ayaa la filayaa inay Xildhibaanada Golaha Golaha Shacabka usoo gudbiyaan mooshinka, kana akhriyaan Xildhibaanada hortooda hadafka uu yahay muddo kororsiga loo sameeynayo Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Qaranka.

Ajendayaasha horyaalla Xildhibaanada ayaa waxa ay kala yihiin 1 – Hindise sharciyeedka qaxootiga iyo magan-geliyo doonka. 2 – Hindise sharciyeedka howlgabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda. 3 – Iyo hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka.

Go’aanadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu xusay in madaxdu ay isla qaateen in wax laga bedelo oo sanad lagu daro mudada xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka.

Go’aanadii Golaha ayaa waxa oo kaloo ku jiray in Baarlamaanka federaalka la hor geynayo heshiiskaas si sharci rasmi ah loogu bedelo, taas oo ka dhigan in wax ka bedel lagu sameynayo qodob dastuuri ah.

Xildhibaanada G/Shacabka oo Maanta kulan ka leh Mooshin muddo kororsi
To Top