WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray Turkiga & ujeedkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  oo ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa gaaray Maagalada Ankara.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Turkiga kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaas, kadibna waxaa loo galbiyay halka loogu tala-galay inay degan Madaxweynaha iyo xubnaha la socday.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kamid ah Madax farabadan oo lagu casuumay munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan oo mar kale Axadii lasoo dhaafay dib loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee Turkiga.

Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Ankara kulan la yeelan doona dhiggiisa Turkiga Erdogan, Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeye xiriir soojireen ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyada horumarka, ammaanka iyo dhaqaalaha.

Dhanka kale, Madaxweynayaal, Ra’iisul-wasaarayaal iyo Hoggaamiyayaal Dowladeed ayaa la filayaa inay  ka qeyb geli doonaan Munaasabadda Caleema-saarka  Madaxweyne Erdoğan oo la shaaciyey inay dhici doonto Maalinta Axadda ee soo socota.

Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray Turkiga & ujeedkiisa
To Top