WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid qorshe uu wado Muuse Biixi

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID  Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka Maamulkaas iyo qorshaha Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku doonayo in doorashada ururada laga soo horaysiiyo tan madaxtooyada.

Faysal Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa in mucaaradka Somaliland aysan ka qeyb geli doonin doorasho aan aheyn ta madaxtooyada, ayna diidan yihiin damaca Muuse Biixi kusoo hormarinayo doorashada Madaxtooyada.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uusan diyaar u aheyn doorasho, isla markaana waxa uu wado aanu sharci aheyn,

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Gaba-gabadii Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha Maamulka Somaliland ka codsaday in uu la kulmo si ay iskula eegaan sharciga doorashada ee uu muranku ka taaganyahay.

DAAWO: Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid qorshe uu wado Muuse Biixi
To Top