WARARKA SOOMAALI

Ciidanka DANAB oo fuliyey howlgal Al-Shabaab looga burburiyey Saldhigyo

Ciidanka kumaandooska DANAB, Ururka 5-aad guutada 16-aad iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab ka sameeyay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada oo iskaashanayay ayaa howlgalka si wadajir ah uga fuliyey deegaanada Qudus, Yaaq-dabayl, Sariiraha, Aboodinka iyo Barja oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaabka.

Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee Danab Gaashaanle Carab Dheex Axmed oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in deegaanadan ay Al-Shabaab ku lahaayeen fariisimo iyo goobo ay gabaad ka dhigtaan.

Howlgalka intii uu socday ayuu Taliye Carab Dheex tilmaamay iny ciidanka ku gubeen gaari uu lahaa sarkaal lagu magacaabo Cabdiraxmaan Gaagaale oo ka tirsan Al-Shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay Taliyaha.

Si kastaba ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa kumaandooska DANAB ee halkaas ka howlgala ayaa marar kala duwan sidaan oo kale waxa ay degaano ka tirsan Jubbada Hoose uga sameeyeen howlgalo ka dhan ahaa Al-Shabaab.

 

Ciidanka DANAB oo fuliyey howlgal Al-Shabaab looga burburiyey Saldhigyo
To Top