WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu daneeyay Xogheynta C/raxmaan C/Shakuur oo la Qarxiyey

Qarax miino lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa saaka ka dhacay meel ku dhow saldhiga degmada Waaberi ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana laga helayaa faah faahino qaraxaas dhacay oo jugtiisa la maqlay.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dejiska ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray Axmed Garaar Cabdullaahi oo ah Xoghayaha gaarka ah ee Ergeyga Madaxweynaha ee arrimaha gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay kusoo warrameen in Xoghaye Axmed Garaar uu qaraxa kasoo gaaray dhaawac, isla markaana waxaa durbadii loola cararay oo haatan xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayaa mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayey aheyd markii qarxa ka dhacay degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir lagula beegsaday Askar ka tirsan Ciidanka Boolis Milataaro, kuwaasi oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxaas.

Wararkii ugu daneeyay Xogheynta C/raxmaan C/Shakuur oo la Qarxiyey
To Top