WARARKA SOOMAALI

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somalia oo Ansixiyey saddex Sharci oo muhiim ah

Golaha Aqalka Sare ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoona ansixiyay hindise sharciyeedka dhowrista xogta, kadib markii gudddigii ka soo shaqeeyey ay Sanatarrada la wadaageen xogtaA 2-aad iyo sida ay isu waafajiyeen aragtida Sanatarrada.

Ansixinta hindise sharciyeedka dhowrista xogta ayaa waxaa codka kalsoonida siiyey 30 Senetor, wax diiday iyo cid  ka aamustana ma jirin. Intaas kadib waxaa la guda galay Akrinta labadaad ee sharciga Socdaalka Soomaaliyeed iyo sharciga horumarinta Iyo Maareynta Kaluumaysiga Soomaaliyeed.

Dood iyo falanqayn kadib ayaa la isla qaatay in labadaas sharci oo muhiim gaar ah leh isla maanta la meel mariyo soo jeedin katimid Senetorrada, iyadoo la go’aamiyey ajende cusub oo lagu ansixinayo  hindise sharciyeedka socdaalka Soomaaliyeed iyo hindise sharciyeedka horumarinta iyo maaraynta kalluumaysiga Soomaaliyeed, waxaana ogolaaday meel marinta labadaas sharci 31-Senetor hal Sanatar ayaa ka aamusay wax diidayna ma jirin.

Kulanka golaha oo maanta ahaa fadhiga 25-aad iyo 26-aad, waxaa gudoomiyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee aqalka sare mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyey guddoomiye ku xigeenka 2-aad mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde)

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somalia oo Ansixiyey saddex Sharci oo muhiim ah
To Top