WARARKA SOOMAALI

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Baydhabo & MW Deni oo ka baaqday

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ayaa Maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ahna caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Shirka Madaxda ayaa waxaa looga hadlayaa arrinsan doonaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, ajendayaal kale oo gaar u ah Madaxda shireysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka Golaha shir guddoominaya, waxaana ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare Xamse Barre, ku-xigeenkiisa, madaxda maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo Duqa Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kaliya ayaa ka maqan shirka Golaha, mana  jiro  wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Maamulkaas  oo aay uga hadlayaan sababta keentay in Madaxweyne Deni ka baaqdo shirkaas.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Wakiiladda Caalaamiga ah ay Saciid Cabdullaahi Deni ka dalbadeen in shirkaasi uu xaadiro, isla markaana uu halkaasi kusoo bandhigo tabashadiisa, si xal wada-jir ah looga gaaro.

 

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Baydhabo & MW Deni oo ka baaqday
To Top