WARARKA SOOMAALI

Turkiga oo beeniyey in Diyaarad laga soo riday iyo Meydad laga soo saaray

Wasaaradda Difaaca ee dalka Turkiga ayaa iska fogeysay in Diyaarad Helikobtar ah looga soo riday waqooyiga dalka Iraq.

Baraha Bulshada ayaa lagu baahiyey in Diyaarad aan la aqoonin dalka laga lahaa ay xalay oo Arbaco aheyd ku burburtay degmada Chamanke oo 15 KM u jirta  Buurta Mount Gara oo inta badan uu dagaal ku dhex maroon Milliteriga dalka Turkiga iyo maleeshiyada Xisbiga Shaqaaalaha Kurdistan ee PKK.

Warar lagu baahiyey Websatyada iyo Baraha Bulshada ee taabacsan kooxda hubeysan ee PKK ayaa lagu sheegay in Helikobtar ay ciidanka cirka Turkiga lahaayeen lagu soo riday Gobalka Duhok ee waqooyiga Iraq.

Sidoo kale, Muuqaal ay duubeen Shaqaale ka tirsan Shirkad Shidaal ayaa waxaa laga dheehday dhimbilo Olol ah iyo qiiq Hawada isku shareeray iyo dad Shaqaale ah oo ka sii cararayo goobta ay Diyaaradda ku burburtay.

Sarkaal Milliteri ayaa sheegay inuu dab ka kacay Helikobtarka, isla markaana ay maydadka 7 qof oo aad u gubtay ka soo saareen burburka diyaaradda.

Turkiga oo beeniyey in Diyaarad laga soo riday iyo Meydad laga soo saaray
To Top