WARARKA SOOMAALI

Shirka Madaxda Dowladda iyo D/Goboleedyada oo Maanta ka furmaya Baydhabo

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ahna caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Shirka Madaxda ayaa waxaa looga hadla arrinsan doonaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, ajendayaal kale oo gaar u ah Madaxda shireysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Saalax Jaamac, Madaxweyneyaasha maamulada, Koonfur Galbeed Hirshabeelle iyo Gamudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku sugan Baydhabo.

Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa tegin Baydhabo, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ee Maanta halkaas ay gaaraan, si ay uga qeyb galaan Shirka.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana la xiray dhammaan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyada oo uu shirka Golaha ka furmayo, uuna shir guddoomin doono Madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirka Madaxda Dowladda iyo D/Goboleedyada oo Maanta ka furmaya Baydhabo
To Top