WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furamayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-guduud ee magaalada Baydhabo, si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, masuuliyiin heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madasha Wadatashiga Qaranka ee Baydhabo ka furmaysa ayaa lagaga arrinsanayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah geeddi socodka dowladnimada iyo horumarka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)
To Top