WARARKA SOOMAALI

Madaxda Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug oo tagay Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Baydhabo caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Siihayaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, xildhibaano iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Magaalada Baydhabo uga qeybgalaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir uga furmaya halkaasi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa isna gaaray Magaalada Baydhabo, si uu uga qeyb galo Shirka Madaxda Golaha uga furmaya magaaladaas maalinta berrito oo khamiis ah.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya qaar kamid Golhiisa Wasiirada, Baydhabo ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa inay gaaraan Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland oo weli tegin halkaasi.

Madaxda Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug oo tagay Magaalada Baydhabo
To Top