WARARKA SOOMAALI

Dalalka Ruushka, Shiinaha & Iran oo u bilowday Dhoolatus Milliteri

Gacanka Oman ayaa waxa maanta oo Arbaco ah ka bilowday Dhoolatus Milliteri oo ay ka qeyb galayaan Ciidamo ka kala socda dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Iiraan ee Isbahaysiga dhow leh.

Wasaaradda Difaaca ee dalka Shiinaha ayaa sheegtay in dhoolatuskaasi oo loogu magac daray “Security Bond-2023 ayaa waxa uu socon doonaa muddo 5 maalmood ah(Bishan 15-da ilaa 20-da).

Dhoolatuskaasi ayaa waxaa kaloo la qeyb galaya dhowr waddan oo aan la magac dhabin, iyadoo carbiska lagu xoojinayo Iskaashiga amniga iyo deganaanshaha Gobalka.

Maraakiibta iyo Diyaaradaha Dagaalka iyo Ciidanka Badda ee dalalkaasi ayaana ka qeyb qaadanayo Tababarkaasi oo ku soo aadan, xilli ay Ruushka iyo Shiinaha ka biyo diideen Iskaashiga dalalka Maraykanka,  UK iyo Australia ee lagu dhisayo Maraakiibta Nukliyeerka.

Heshiiska Maraykanka, UK iyo Australia oo loogu magac daray Heshiiska Ammaanka ee AUKUS waxaa Ciidanka Badda Australia loogu Dhismaha soonaa ilaa 8 Maraakiibta Badda quusta ee Gujiska ee weerarka.

Dalalka Ruushka, Shiinaha & Iran oo u bilowday Dhoolatus Milliteri
To Top