WARARKA SOOMAALI

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, oo uu kaga qayb galayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo halkaas ka furmaya.

Madaxweynaha dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku soo dhaweeyay garoonka dayaaradaha Shaati Gaduud Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasare ku xigeenka Salax Axmed Jaamac iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo xubno kale.

Dhinaca kale Madaxweyeyaasha maamulada Jubbaland, Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa iyaguna lagu wadaa inay tagaan magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxda ayaa Baydhabo uga qeyb galaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin, amniga guud ee dalka, howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee dalka ka socda, dardar-gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla dowladda iyo maamul Goboleedyada iyo qodobo kale.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana magaalada laga dareemayaa soo dhaweynta Madaxda ka tageysa halkaas, Shirka ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri oo khamiis ah uu ka furmo magaalada.

Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayay oo gaaray Baydhabo
To Top