WARARKA SOOMAALI

Mareykanka oo taageero siinaya Dal Dagaal kula jiro kooxo Malaayiin qof qasbay

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa booqanaya dalka Niger ,lugtii labaad ee booqashadiisa kooban ee uu ku marayo wadamada Afrika.

Waxaa la filayaa in uu ku dhawaaqo taageero dheeraad ah oo uu Maraykanku siinayo dagaalka ay Niger kula jirto jabhadda jihaad doonka ah oo malaayiin qof ku qasbay in ay ka qaxaan guryahoodii gobolka Saaxil.

Mr Blinken ayaa ka mid ah saraakiil badan oo Mareykan ah oo booqasho ku tagay qaaradda Afrika bilihii la soo dhaafay,waxayna doonayaan Maraykanku waxa uu meesha ka saaro saamaynta Shiinaha iyo Ruushka ay ku leetihiin Afrika.

Madaxweynaha dalka Niger Mohamed Bazoum ayaa dhigiisa Mareykanka waxa uu sanadkii hore ku amaanay dhismaha dimoqraadiyada dalkaasi oo marar badan ay ka dhaceen afgambi militar

Mareykanka oo taageero siinaya Dal Dagaal kula jiro kooxo Malaayiin qof qasbay
To Top