WARARKA SOOMAALI

DAAWO: War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga ee Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socday magaaladaas.

Shirka ayaa waxaa laga saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob, isla markaana waxaa mid ah in xubno ka tirsan Golaha Wadatashiga Qaran loo diray maamulka Puntland oo tabasho qabtay, iyadoona Madaxweyne uu ka maqnaa shirkii dhacay.

Madaxweyneyaasha maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa loo diray Puntland, si ay doorkooda uga qaatan wada-hadallada masiiriga u ah dhammeeystitka dowlad dhiska dalka.

“Golahu wuxuu isla gartay in guddi ka kooban xubno kamid ah Golaha Wadatashiga Qaran oo kala ah Cabdicasiis lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe iyo Qoorqoor loo diro Puntland, si ay doorkooda uga qaatan wada-hadallada masiiriga u ah dhammeeystitka dowlad dhiska dalka” ayaa lagu yiri War-muriyeedka Shirka.

Sidoo kale Golaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada xooggan ee weli kasii socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kuwaasi oo u dhexeeya ciidanka deegaanka ee SSC iyo ciidamada Maamulka Somaliland.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA WAR-MURTIYEEDKA

 

DAAWO: War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga ee Baydhabo
To Top