WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo Maanta dib uga ka Qarxay Laascaanood

Dagaalo xooggan oo u dhexeeyay ciidanka Maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka SSC ayaa arroornimadii hore ee saaka dib uga qarxay duleedka Bari ee maagaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Warar la helayo ayaa sheegaya in dagaalka saakay uu bilowday, kadib markii ciidanka Somaliland ay isku dayeen inay weerar kusoo qaadan saldhigyo ciidanka deegaanka ay ku leeyihiin duleedka Laascanood, hubka cul culus ayaa la isku adeegsaday dagaalka.

Ciidanka deegaanka ayaa iska caabiyay weerarkii uga yimid dhanka Somaliland, isla markaana waxaa laga qabsaday gaari nooca dagaalka, sidoo kalena waxaa gacanta lagu dhigay maxaabiis.

Dagaalka ayaa waxaa barbar socday duqeymo xooggan oo ay ciidamada Somaliland ku garaacayeen gudaha Laascaanood, dhimasho iyo dhaawac leh ayaa dagaalka ka dhashay, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ee khasaaraha dhinacyada kala gaaray.

Dhanka kale War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee maamulka Somaliland ayaa waxaa looga hadlay dagaalkaasi, waxaana Somaliland ay ku eedeysay inay soo qaaday Puntland weerar, Puntland ayaa hore u sheegtay in aysan qeyb ka aheyn dagaalka Laascaanood.

Dagaalo culus ayaa muddo bil ah weli kasii socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana dagaalada dhimasho iyo dhaawac ku noqday boqolaal qof oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah oo madaafiic lagu garaacay.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo Maanta dib uga ka Qarxay Laascaanood
To Top