WARARKA SOOMAALI

Xildhibaan kashifay arrin halis ah oo Guddoomiye Aadan Madoobe u aaday Netherland

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe ayaa shalay safar aan ujeedkiisa la shaacin ugu dhoofay dalka Netherland.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo ka hadlay safarka Guddoomiye Aadan Madoobe ee Netherland ayaa waxaa uu Guddoomiyaha ku eedeeyay hal arrin oo halis ah, kuna gadaaman socdaalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaan Dayax Axmed Cumar oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Aadan Madoobe uu Netherland u aaday arrimo la xiriira sharciga jinsiga, isla markaana uu casuumaad ka helay kuwo u ololeeya arimaha jinsiga, si gaar ahna xuquuq ugu raadiyo khaniisiinta iyo kuwa la halmaala (LGBT).

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo safarka gudoomiye Adan Madoobe ee maanta ugu amba baxay dalka Netherland safarka Gudoomiyaha  waxaa ku gadaaman tuhunno laxiriira sharciga jinsiga iyadoo aan ognahay hay’adaha casuumay ay yihiin kuwo u ololeeya arimaha jinsiga, si gaar ahna xuquuq ugu raadiyo khaniisiinta iyo kuwa la halmaala (LGBT)” ayuu yiri.

Sidoo kale Xildhibaan Dayax Axmed Cumar oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Bulshada inay Guddoomiyaha uga digaan arrinta halista ah ee uu lugaha la galayo, isagoona farriin u diray Culimada.

“Gudoomiye Adan, waxa aan uga digayaa wax waliba oo ka hor imaanaya diintena suuban iyo dhaqankeena Soomaaliyeed ee 100% muslimiinta ah, Culimada, waxgaradka iyo madaxda kale ee masuuliyadda ka saaran tahay ilaalinta sharafka iyo diinta umaddaan waa in ay uga digaan gudoomiye Aadan wax walba oon asal u laheyn umadaan” ayuu yiri Qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Xildhibaan Dayax.

Xildhibaan kashifay arrin halis ah oo Guddoomiye Aadan Madoobe u aaday Netherland
To Top