WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Abiy oo ku dhawaaqay War farxad geliyey Shacabka Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku yimid Deegaanka Tulli Guuleed oo ah dhul Beereed laga beero Qamandiga, Tulli Guuleed ayaa ka tirsan Gobolka Faafan ee dhulka Soomaali Galbeed.

Booqashadan ayaa waxa Raii’sul Wasaaraha ku weheliyay Madaxweynayaasha deegaanada iyo xubnaha guddiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo.

Abiy Axmed ayaa yiri ” waxaan awoodnaa inaan soo saarno qamadi ku filan Ethiopia iyo dalalka kale ba, waddadeediina waan haynaa, waxaana tusaale inoogu filan deegaanka Soomaalida, waxaa abuurmay jawi aan halkii hektar uga soo saari karno 40 kiintaal”.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa xusay in sanaddaha soo socda la sii laban laabi doono xaddiga beerista Qamandiga iyadoo tirada la soo saari doono la gaarsiin doono ilaa 52 malyan oo kiintaal.

Ra’iisul Wasaare Abiy oo ku dhawaaqay War farxad geliyey Shacabka Itoobiya
To Top