WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Guudlaawe oo gaaray Cadale & qorshe lagula dagaalamayo AS oo socda

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmo Xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Degmada Cadale Xildhibaano, Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in socdaalkaan uu ku yimid degmada cadale uu ka duwan yahay socdaaladiisii hore, isagoo sheegay in safarkiisa uu ku  qotomo dardargalinta howlgalada lagu xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dagaalka dalka looga xureeynayo  Al-shabaab ay hormuud u noqdaan shacabka Gobolkaan isagoo xusay in deegaano badan oo dalka ah laga xureeyay kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa saraakiisha iyo bulshada degmooyinka Gobolka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan howgalada lagu ciribtirayo argagixisada cadowga ah ee u taagan xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Guudlaawe oo gaaray Cadale & qorshe lagula dagaalamayo AS oo socda
To Top