WARARKA SOOMAALI

Xildhibaan ka tirsan Maamulka Jubbaland oo lagu xiray Kenya + sababta

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Gurxan ayaa lagu xiray magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi ee bari ee dalka Kenya, xog dheeraad ah ayaa laga helayaa sababta keentay xarigiisa.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Xildhibaanka xilligii la xirayay laga qabtay Bar koontarool ee laga raabo Basaska ee ku taalla magaalada Mandheera, isagoona habeenkii labaad xalay ku hoyda xabsiga magaaladaasi oo la dhigay.

Wargeyska The Standard ee Kenya ayaa baahiyay, Xildhibaan Yuusuf Maxamed Gurxan loo xiray arrin la xiriirta inuu heystay kaarka aqoonsiga dowladda Kenya oo la sheegay inuu si been abuur ah Xildhibaanka ku qaatay.

Madaxa waaxda dambi baarista ee dalkaasi Kenya Gitari Muchira ayaa sheegay in inkastoo maamulka Beled-xaawo ee Soomaaliya uu codsaday in la sii daayo Yuusuf Maxamed Gurxan.

Sida uu qarshahu yahay maalinta berri oo khamiis ah ayaa la filayaa in Xildhibaanka  Maxkamad la soo taago, waxaana xusid mudan in lagu soo oogay dacwad ah in uu been abuur ka sheegay qaadashada kaarka aqoonsiga Kenya.

Xildhibaan ka tirsan Maamulka Jubbaland oo lagu xiray Kenya + sababta
To Top