WARARKA SOOMAALI

Askari Muqdisho ku dilay Nin Kenyaanka ah oo Maxkamad lasoo taagay

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta u fariisatay dacwad ka dhan ah, Xasan Cabdiraxmaan Indha-yare oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, kaas oo horay u dilay, Fredrick Odhiambo Owino oo kasoo jeeda dalka Kenya.

Dilka muwaaddinka Kenyaanka ah ayaa 20-kii July ee sanadkan 2023-ka ka dhacay agagaarka garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, xilli uu ninka ajanabiga ah ku guda jiray howlo dhismo guri dabaq ah.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda Ciidamada qalabka sida, Axmed Cabdalla ayaa sheegay in Xasan C/raxmaan aan loo haysan oo keliya dambiga lagu soo eedeeyay oo keliya, balse ay jiraan lunsasho hub iyo baxsasho.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koobaad ee Ciidanka qalabka sida G/le sare, Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa soo xiray dhagaysiga gar maqalka ka dhanka ah, Xasan Cabdiraxmaan Indha-yare oo ku eedeysan dilka muwaaddin Kenyan ahaa oo lagu magacaabi jiray, Fredrick Odhiambo Owino

Askari Muqdisho ku dilay Nin Kenyaanka ah oo Maxkamad lasoo taagay
To Top