WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Somaliland oo Duqeyn ka dhacday Laascaanood ku dilay Abwaan Jaamac Kediye

Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa galabta madaafiic ku garaacay qeybo ka mid ah magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Duqeymaha ayaa ciidamada Somaliland waxay u adeegsanayeen hoobiyeyaal iyo madaafiicda waaweyn, iyagoo la beegsaday goobaha dadka rayidka ah sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo sheegayaa iney geysteen duqeyntan inkastoo aan faahfaahin laga heli karin.

Dadka ku naf waayey Madaafiicdaas ayaa waxaa ka mid ah abwaan Jaamac Kediye oo ka tirsanaa abwaanada Soomaaliyeed ee caanka ah.

Ciidanka Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay duqeyn aan kala jooji laheyn ka waday magaalada Laascaanood, waxaana duqeynta ku naf-waayay dhowr qof, sidoo kale ay dad dhaawacyo kasoo gaareen.

Ciidanka Somaliland oo Duqeyn ka dhacday Laascaanood ku dilay Abwaan Jaamac Kediye
To Top