WARARKA SOOMAALI

RW Xamse Barre oo War kasoo saaray geerida AUN Abwaan Jaamac Kadiye

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Allaha u Naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo galabta lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaruhu ayaa waxa uu sidoo kale ka tacsiyeeyay shacabka kale ee ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeynta Laascaanood.

Abwaanka ayaa waxa uu ahaa hal abuure iyo dhaqanyaqaan kaalin weyn oo mug leh ka soo qaatay suugaanta Soomaaliyeed, isla maraakana magac iyo sharaf ku lahaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.

Ra’iisul Wasaarahaa ayaa waxa uu Alle uga baryay Abwaanka iyo shacabka kaleba in uu ugu deeqo Janatul Fardowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo eheladii, saaxiibadii iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ay ka baxeen.

RW Xamse Barre oo War kasoo saaray geerida AUN Abwaan Jaamac Kadiye
To Top