WARARKA SOOMAALI

Xil ka qaadistii Khayre oo bil kasoo wareegtay iyo Xafiskii oo wali iska haawanaya.

Muqdisho ( HM )-Waxaa Muddo bil ah laga joogaa markii xilka laga tuuray raysal wasaarihii Hore ee Dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo ku beegnayd 25-ka bishii july ee lasoo dhaafay, kadib markii barlamaanku kalsoonida kala noqday.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan weli soo magacaabin raysal wasaare cusub oo shaqada kala wareega xukuumada xilka sii haysa ee hoggaaminayo Mahdi Maxamed Guuleed oo maalintii xilka laga tuuray raysal wasaaraha loo magacaabay sii haye.

Xisbiyada mucaaradka iyo qaar kamid ah Maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay sababta madaxweynuhu usoo magacaabi la’yahay raysal wasaaraha, inay tahay ujeeddo siyaasadeed oo ku saabsan in madaxweynuhu meesha ka saaro kaalintii raysal wasaaraha ku lahaan lahaa xilliga kala guurka.

Soo magacaabid la’aanta raysal wasaaraha ayaa khilaaf ka dhex abuurtay shirka Dhuusomareeb3, oo aysan ka qeyb galin labo maamul goboleed oo miisaan ku leh siyaasada Soomaaliya, waxayna diidmadooda ku sababeyen maqnaashaha raysal wasaaraha.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo Khilaaf kala dhexeeyo DF Soomaaliya, Islamarkaana aan ka Qayb gelin Shirkii Dhuusamareeb,  ayaa Kulan gaar ah waxay ku yeeliyiin Magaalada Garoowe, iyagoona ka arinsanaya Xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo Shirkii Dhuusmaareeb Go’aanadii kasoo baxay.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top