WARARKA SOOMAALI

Axmed Madoobe oo goordhow gaadhay Magaalada Garoowe oo uu kula kulmayo Siciid Deni.

Garoowe (HM) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa goordhow gaadhay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Safarka Axmd Madoobe ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan maamulkiisa, waxaana Garoonka Gen. Maxamed Bashir kusoo dhaweeyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Mas’uuliyiin kale, iyadoona loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada ee maamulkaasi.

U jeedka safarka Axmed Madoobe ayaa la xidhiidha shir uu halkaasi kula leeyahay dhiggiisa Puntland, Siciid Cabdullahi Deni.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaasi diirada lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee 2020/2021-ka.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa horey u diiday ka qeyb-galka shirka Dhuusamareeb 3 oo lagu go’aamiyey noocada doorasho ee dalka ka dhaceyso, wolow ay iyagu ka horyimaadeen dhammaan qodobadii iyo heshiiskii lagu gaaray caasimada Galmudug.

Lama oga go’aanka ay isla qaadaan doonaan, labada hoggaamiye ee xulafada ah oo meel adag iska taagay shirkii wada-tashiga ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxaa suura-gal ah inay shirka ka furmaya Garoowe ku biiraan qaar ka mid ah hoggaanka xisbiyada mucaaradka dalka oo iyaguna ka soo horjeedo dowladda dhexe.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomalaiyeed ee Jubbaland uu dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib markii uu ka soo laabtay magaalada Niarobi ee caasimadda dalka Kenya oo uu aaday arrimo caafimaad.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top