WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Taliyihii Ciidanka Badda mid kalena magacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Taliyaha cusub ee ciidamada Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya, isagoo xilka qaadisna ku sameeyay taliyihii hore ee ciidanka Badda Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Xasan ayaa waxaa Admiral, Cabdi Warsame Cismaan loogu magacaabay Taliyaha cusub ee ciidamada Badda, waxa uuna bedelayaa Taliyihii hore ee xilkaasi haayay Gaashaanle Sare Mubaarak Cabdiqani Muuse.

Taliyaha la magacaabay ayaa soo ahaa sareeye waqti badan ka soo shaqaynayay qaybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed , wuxuuna soo noqday Taliye xigeenka ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanad kahor xilka Taliyaha ciidanka Badda u magacaabay Gaashaanle Sare Mubaarak Cabdiqani Muuse, balse haatan uu xilka qaadis ku sameeyay.

Magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka Badda ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Soomaaliya ay wado dedaalo lagu xoojinayo ciidamada Badda iyo ilaalada Xeebaha Soomaaliya, kuwaa oo dhismhaooda muhiim u yahya Qaranka.

Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Taliyihii Ciidanka Badda mid kalena magacaabay
To Top