WARARKA SOOMAALI

Doon laga leeyahay Iiraan oo laga Afduubtay xeebaha Somalia

Doon nooca kalluumaysiga ah oo dalka Iran laga leeyahay ayaa Arbacadii shalay aheyd waxa ay koox hubeysan oo Burcad-baddeed ah ay ka afduubteen xeebta degmada Qandala ee Gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland.

Ciidamada dhanka Badda ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in burcada hubeysan ee afduubka u geysatay Doonta Kalluumeysi ay ku baxeen, isla markaana ay ka raadinayaan dhinaca Badweynta oo suuragal tahay inay burcada la aadeen.

Guddoomiyaha Degmada Qandala Axmed Yuusuf Khuurshe oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in Doonta Kalluumaysiga ay kaxeysteen rag lagu tuhusan yahay inay yihiin burcad Badeed, isagoona xusay in raggaas aysan aheyd kuwo iska abaabulay aaga Qandala.

Ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ayuu Guddoomiye Axmed Khuurshe tilmaamay inay wadaan howlgal ay kusoo afjarayaan burcada hubeysan ee afduubatay Doonta laga leeyahay dalka Iiraan oo uu sheegay in ay aheyd mid si sharci ah uga kalluumeysata xeebaha Puntland.

Waa doontoo labaad ee kalluumaysi oo Iran ay leedahay laba todobaad gudahood koox burcad ay kaga afduubtaan bariga Soomaaliy.

Doon laga leeyahay Iiraan oo laga Afduubtay xeebaha Somalia
To Top