WARARKA SOOMAALI

Maamulka Puntland oo ka hadlay Doon ay afduubteen Burcad Badeed

Taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Axmed ayaa sheegay in doonta laga afduubtay deegaan xeebeedka Maraya ee degmada Eyl ay hadda ku sugan tahay meel ka baxsan biyaha Soomaaliya taas oo ku beegan jasiiradda Suqadara.

Wuxuu sheegay in ragga afduubay doonta ay dhan yihiin 12 nin oo burcad badeed ah oo is abaabulay, kuwaas oo hadda gacanta ku haya doontii iyo shaqaalihii saarnaa.

“Xogtii ugu dambaysay ee an ka helnay doontu waxay gashay biyaha caalamiga ah, ragga haysta ayaa la soo hadlay dadka deegaanka oo u sheegay in doontu ka xumaatay oo ay biyaha dul sabbaynayso” ayuu yiri Maxamed.

Taliyaha ayaa xusay in ragga doontan afduubtay ay doonayeen inay ku doontaan maraakiib kale ayna taas sabab u tahay inay la aadan biyaha caalamiga ah.

Waxaa jira warar sheegayay in afduubayaashu ay dalbadeen madax furasho dhan 400 kun oo doollar. Balse Taliye Maxamed ayaa xusay in haddii ay ragga afduubka gaystay doonayaan lacago ay doonta ku haysan lahaayeen deegaannadii ay ku afduubeen.

Maamulka Puntland oo ka hadlay Doon ay afduubteen Burcad Badeed
To Top