WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo Ruushka kala wareegtay Markab sida Shixnad Gargaar

Dowladda Soomaliya ayaa maanta kala wareegtay safiirka Dalka Ruushka gargaar Raashin ah kaas oo loogu talo galay Dadka ay saameeyeen fatahaadaha Roobabka iyo Dadka danyarta ah ee ku nool Deegaamadii laga xorreeyey Al-Shabaab.

Markabka siday gargaarkan dhan 25 kun tan oo Qamadi ah ayaa ku soo xirtay saaka Dekedda magalada  caasimadda ah ee Muqdisho, halkaas oo ay gargaarkan kula wareegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Safiirka Ruushka u fadhiya Jabuuti iyo Soomaaliya Ambassador Mikhail Alekseevich Golovanov, kaas oo ka warbixiyay deeqdan, wuxuuna tilmaamay inay tahay mucaawino ay ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka Elnino ku dhuftay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Cabdillaahi Axmed Jaamac ayaa uga mahadcelyey safiirka Ruushaka gargarkan ay soo garsiiyeen Dadka Soomaaliyeed,wasiirka ayaa xusay in Ruushka iyo Soomaaliya ahaayeen dalal leh xiriir iskaashi oo soo jireen ah.

Dhankiisa wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyay dowladda Ruushka iyo madaxweyne Vladimir Putin, isaga oo sheegay in deeqdan ay tahay tii ugu weynayd ee hada soo gaartay dalka oo ay ka jiraan xaalado adag.

Dowladda Somalia oo Ruushka kala wareegtay Markab sida Shixnad Gargaar
To Top