WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo soo dhoweeyay go’aanadii shirkii Golaha Amniga Qaranka, kuna tilmaamay guul-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo, kaasoo madaxda Qaranka iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ku heshiiyeen nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sanadka 2020 iyo wadaagga kheyraadka dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in qodobadii lagu heshiiyay shirkaas uu ahaa guul u soo hoyatay dowladnimada Soomaaliyeed heer kastaba

“Waxaan leeyahay waa guul u soo hoyatay dowladnimada Soomaaliyeed heer kastaba,
Waxaan bogaadinayaa Mas’uuliyiinta ku heshiiyay ee saxiixay heshiisyada dhaxalgalka ah ee halkaas lagu saxiixay”ayuu yiri Xasan Sheekh qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook.

Sidoo kale waxaa uu ku dhiira geliyay Madaxda in wixii ay isla soo oggolaadeen inay ka gadaan hey’adaha iyo madaxda kale ee ay ku matalaan shirka, si loo helo wadar-oggol waafaqsan xeerarka hadda jira, iyadoo la dhameystirayo wixii dhiman xagga xeerarka si heshiisyadu u noqdaan kuwo dadka Soomaaliyeed iyo caalamka dalkeenna la macaamilayo ku kalsoonaan karaan.

“Duruufaha dalkeennu ku sugan yahay maanta awgeed, wadar-oggolku waa muhiim ee ha la sii dhammeystiro”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo todobaadkan lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka koobnaa dhowr qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen amniga iyo siyasadda oo lagu heshiiyay in doorashada sanadka 2020 ay noqoto qof iyo cod.

SOMALI NEWS

To Top