WARARKA SOOMAALI

Qormadda Jimcaha:-Soonka iyo Faa,iidooyinka Caafimaad-Dr Cabdiraxman Qowdhan-Akhriso

Boorame (Horufadhi News)-Qaybtii Labaad
Soonka Iyo Faaidooyinkiisa Caafimaad
Qalinkii Cabdiraxmaan Qawdhan
Qormadani Waxay Daba Socotaa Qormadii Todobaadkii Hore.
Hadii Aanad Jaanis U Helin Akhriska Qormadii Hore
Fadlan Ka dib uga akhriso Bogga Horufadhimedia

Wali waxaynu Ku Gudo Jirnaa Faaidooyinka Caafimaad Ee Soonka.

5) Soonku Wuxuu Ka Qayb Qaataa Ka Hortaga Xanuunada Wadnaha Ku Dhaca.
Cilmi Baadhisyo Aan Aad U Tiro Badnayn Ayaa Lagu Ogaaday In Soonku yareeyo Cadaadiska Dhiiga, Subaga Dhiiga Iyo Sonkorta Dhiiga.
Yaraynta Sadexdaas Shay Oo Is Biirsada Waxay Muhiimad Balaadhan U Leedahay Caafimaad Qabka Wa/b dnaha Iyo Xubno Kale Oo la Xidhiidha Sida Kalyaha Iyo Maskaxda.
6) Saarista Sunta Jidhka Wakhtiga Dheefshiidaka Cuntada:- Dhamaaan Wakhtiyada Aan Soonka Ahayn Tamarta jidhu Waxay Ku Mashquulsan Tahay Habdhiska Dheefshiidka, Laakiin Qofka Sooman Markuu Saacado badan Aanu Waxba Cunin Wuxuu Jidhku Ku Mashquulaa Inuu ka Saaro Sunta Qaybaha Kala Duwan Ee Jidhka Hab Loo Yaqaano “Detoxification”
7)Soonka ayaa Qayb Muhiim Ah ka qaata Dayactirka unugyada jirka qaybahooda kala duwan “Degeneration Of Dead Cells And Injured Cells”
Xiliga uu qofku sooman yahay waxaa jirku laba jibaaraa burburinta iyo nadiifinta unugyada dhintay iyo dayactirida ka dhaawaca. Hadii ay jirka ku bataan unugyada dhaawaca ah waxaa ay sababi karaan xanuno kala duwan oo ay kamid yihiin Kansarka iyo Alzheimer.
Soonka ayaa ka hortag wanaagsan u ah xanuunadaan.
? Soonku Wuxuu Faaido U Leeyahay Maskaxda Bini-aadamka:-
Soonku Wuxuu Kordhiyaa Dheecaan Muhiim U Ah Maskaxda Oo La Yidhaahdo Brain-Derived Nuerotrophic Factor “BDNF”
Hadaba Hadii Ay Jidhka Ku Yaraato DHeecaankaasi Waxay Qofka Ku Keentaa Murugo,Niyad jab Iyo Xanuunada Kale Ee Maskaxda Ku Dhaca.
WALAAHU ACLAM.
La Soco Qaybta Sadexaad.
Cabdiraxmaan Qawdhan
Borama, Somaliland
[email protected]
Medical Student @Amoud University.

SOMALI NEWS

To Top