WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo ka hadlay Marxaladaha Dagaalka AS & Caqabadaha jira

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Cilmi Baarista Amniga RUSI ee magaalada London kaga qeybgalay kulan uu uga hadlay duullaanka Dowlada Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo aragtidiisa fog ee ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Faahfaahiyay marxaladaha uu soo maray dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab iyo caqabadaha iyo horumarka laga sameeeyay isagoo tilmaamay in  markii ugu horeysay ay dowladdu dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo argagixisada taas oo ay saldhig u tahay in la qaado dagaal Saddex jiho ah:

Dagaal Military, Dagaal dhaqaale Iyo Dagaal fikir oo lagu baabi’inayo fikirka  guracan ee Khawaarijta.

Madaxweynaha oo dulmaray horumarka laga sameeeyay howlgalada dalka looga sifeynayo AS ayaa tilmaamay in kabadan Sideetan deegaan oo Shabaab dadka ku dhibaataynaysay ay maanta xor yahiin, dowladda federaalkana ay gaarsiisay adeegyadda aasaasiga ah sida waxbarasho bilaash ah, caafimaad iyo biyo.

Madaxweynuhu waxa uu si qotadheer u dul istaagay ahmiyadda dhaqaale iyo horumar ee ay dalka u leeyihiin deegaanada laga xoreeyay AS oo uu tilmaamay in ay yihiin dhulka ku haboon tacbashada iyo kor u qaadida wax soo saarka dalka.

Madaxweynaha JFS DR. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Qorshaha DFS ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka iyo bixitaanka ciidamada ATMs ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay dadaal xooggan galisay dib u dhiska ciidamada qaranka ayna ka go’antahay in waqtiga kooban dalka looga sifeeyo Al-Shabaab. Madaxweynuhu Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada AMTs dalka ka baxayaan dabayaaqada  sanadka 2024.

Saaxiibada caalamiga ee taageera dib u dhiska iyo horumarka soomaaliya ayuu Madaxweynuhu usoo jeediyay in ay laba jibaaraan dadaalkooda garab istagga Soomaaliya, waqtigaan muhiimka ah, si guulo macno leh looga xaqiijiyo dadaalada socda ee dib u xoreynta, dib u dhiska iyo horumarinta isugu jira.

 

Xasan Sheekh oo ka hadlay Marxaladaha Dagaalka AS & Caqabadaha jira
To Top