WARARKA SOOMAALI

Aadan Madoobe oo gaaray Baydhabo & Xog laga helay safarkiisa

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa waxaa Guddoomiye Aadan Madoobe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.

Socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka Shirka Xildhibaanada labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay uga arinsanayaan Geediga Dowlad dhiska Soomaaliya, Howlgalka Wajiga 2-aad ee Dagaalka iyo Wax ka qabashada Saamaynta Fatahaadaha.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu isna ku biirayo kulamada ka socda Baydhaba ee u dhexeeyo xildhibaanada iyo madaxweyne Laftagareen, kuwaas oo looga tashanayo xaaladaha ka jira maamulkaas oo ay kusoo wajahan tahay doorasho.

Baydhaba hadda waxaa ku sugan ugu yaraan 50 xildhibaan, kuwaas oo uu Madaxtooyada Koonfur Galbeed ku casuumay madaxweynaha maamulkaasi, waxayna kulan ay yeesheen uga hadleen saddex arrimood oo kala ah, fatahaadaha ku dhuftay maamulkaasi, arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada iyo dagaalka Al-Shabaab, sida ay shaacisay K/Galbeed.

Aadan Madoobe oo gaaray Baydhabo & Xog laga helay safarkiisa
To Top