WARARKA SOOMAALI

Guddiyada saaxibtinimada Barlamaanka BFS iyo dalal kale oo la magacaabay

Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiyada saaxibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaannada Shiinaha, Ciraaq iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa horey u magacaabay guddiyo saaxiibtinimo qaar kamid ah Baarlamaannada Caalamka, kuwaa oo ka shaqeenaya xoojinta xiriirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaannada kale ee Caalamka ka jira.

Guddiyada saaxibtinimada Barlamaanka BFS iyo dalal kale oo la magacaabay
To Top