WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Ciidanka SSC oo Gaadiid iyo Maxaaiis ka qabtay Somaliland

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Maamulka SSC-Khaatumo iyo maleeshiyaadka Somaliland, waxaana lagu soo warramayaa in khasaare uu soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dagaalka oo wali ka socda galbeedka Gobolka Sool, ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in Ciidanka Khaatumo ay la wareegeen degaannadii lagu dagaalamay, waxaana si buuxda ay gacanta ugu dhigeen degaan lagu magacaabo Buqdharkeyn, oo maalmahaan aga-gaarkiisa la isku hor-fadhiyay.

Ciidanka Khaatumo ayaa soo bandhigay gaadiid dagaal iyo maxaabiis ay sheegeen inay ka qabsadeen ciidanka Maamulka Somaliland.

Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya baaxadda dagaalka iyo khasaaraha xooggan ee gaaray Somaliland, iyadoo lasoo bandhigay Meydad iyo Askar,

Dagaalka ayaa soo cusboonaaday ka dib markii ay halkaasi gaareen qaar kamid ah isimmada SSC-Khaatumo oo hore ugu baaqay nabadeyn. Labada dhinac wali wax war ah kama soo saarin  dagaalkaasi u dhexeeeya Ciidanka Khaatumo iyo  Millateriga Somaliland.

SAWIRRO: Ciidanka SSC oo Gaadiid iyo Maxaaiis ka qabtay Somaliland
To Top