WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Amniga oo howlgal ku qabtay Dad looga shakiyay falal halis ah

Ciidamada Xasilinta Xamar ee Booliis Milataariyo ayaa xalay howlgalo amni sugid ah waxay ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo raxan raxan isula socda ayaa la arkaayay guryaha mid mid u galaya kadibna baaritaano ka sameynaya xili uu soo hagaagayo amniga Xamar iyo deegaanada ku xeeran.

Ciidamada Boliis Milataariyo oo aad loogu amaanay dhanka amniga Caasimada waxay sidoo kale xalay baarayeen gaadiidka isticmaala wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Dad u badan dhallinyaro ayaa lagu soo qabtay howlgalka inta uu socday, kuwaasi oo qaarkood  looga shakiyay inay ka qeyb yihiin falal amni darro oo ka dhacay eegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa aad loogu xasuusta sidii ay wax badan uga badaleen amniga Caasimada, isla markaana ay bil gudaheed uga taqaluseen kooxihii ciyaal weerada loo yaqaanay kuwaasoo dhibaato weyn ku hayay degmooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood.

Ciidanka Amniga oo howlgal ku qabtay Dad looga shakiyay falal halis ah
To Top