WARARKA SOOMAALI

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay xiisada Garoowe, Degdegna u dalbatay…

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa War kasoo saaray xiisada u dhexeeysa Xukuumadda Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubnaha Mucaaradka ah ee kasoo horjeeda in deegaannada Maamulkaasi laga qabto doorasho qof iyo Cod ah.

War-saxaafadeed ay soo saareen Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee magaalada Garoowe ka socda iyo joogitaanka ciidamada cabsi gelinaya dadka shacabka.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka ee taageera Soomaalliya ayaa waxaa ay tilmaameen inay weli ka go’an inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah.

Beesha Caalamka ayaa intaas kusii dartay inay si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ay ku baaqeen in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.

Si kastaba, Garoowe ayaa waxaa ka taagan xiisada Xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni iyo mucaaradka, waxaana magaalada maalin kahor ka barakacay qaar kamid ah qoysaska kunool, kuwaasi oo ka cabsi qaba inay dagaalo dhexmaraan ciidamada labada dhinac kala taabacsan.

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay xiisada Garoowe, Degdegna u dalbatay…
To Top