WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Qarax lala beegsaday Xarun Caafimaad oo ka dhacay Muqdisho

Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana qaraxa oo ahaa mid xooggan lagu burburiyay Xarun Farmashiye oo lagu iibin jiray daawooyinka.

Qaraxa ayaa burbur gaarsiiyay Xarunta Farmashiyaha oo ku taallay degmada Yaaqshiid, mana jiro wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay qaraxaasi oo saqdii dhexe ee xalay dhacay, sida Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadka ku sugnaa meel ku dhow xaruntaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in goobta la beegsaday uu lahaa qof shacab ah, isla markaana Farmashiyaha ku iibin jiray daawooyinka noocyadooda kala duwan, balse qaraxa miino oo la geliyay afaafka hore ee Farmashiyaha ayaa lagu qarxiyey.

Sawirro lagu baahiyay faraha Bulshada ayaa muujiyay burburka gaaray xarunta, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in sababta loo qarxiyay Farmashiyaha ay tahay in lagu xiray kaamirooyinka CCTV ee wax duuba, kadib amar kasoo baxay dowladda.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho. Si kastaba ma’an markii ugu horreysay ee Xarun lagu xiray kaamirooyinka CCTV la qarxiyo.

Faah faahin: Qarax lala beegsaday Xarun Caafimaad oo ka dhacay Muqdisho
To Top