WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka weydiistay taageero cusub & Qodobo kale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada kulan la qaatay danjireyaasha iyo wakiillada Beesha Caalamka ee ka howlgala dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay in Soomaaliya laga taageero xaqiijinta go’aamada Golaha Wadatashiga Qaranka si loo hirgaliyo hannaan doorasho oo ku dhisan matalaadda dadweynaha, taasoo saamayn wanaagsan ku yeelan doonta geeddi socodka siyaasadda dalka iyo soo kabashada dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay taageero caalami ah si loo daboolo baahida baaxadda leh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Shacabka iyo dowladdaba u leedahay xaqiijinta qorshaha sannadka 2024 ee ku aaddan meelmarinta go’aamada masiirka ahaa, kuwaas oo ku saleysan in awoodda dib loogu celiyo shacabka, hirgelinta qorsha Ciidamanka Xooga Dalka ay kula wareegayaa amniga dalka.

Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midowga yurub iyo Midowga Afrika ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka Al Shabaab, iyagoo Sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab taaganyahiin qorsheyaasha mudnaanta u leh Xukuumadda ee amniga, nabadda, xasilloonida iyo meelmarinta go’aamadii Golaha Watashiga Qaran.

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka weydiistay taageero cusub & Qodobo kale
To Top