WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo shaacisay inay Dishay Sarkaal halis badan oo ka tirsanaa AS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen inta u dhexeysa Galacad iyo deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Ciidamada ayaa howlgalka ku dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure (Cali Qoyane), isagoona kamid ahaa saraakiisha sare ee Al-Shabaab, waxaana isaga oo maqan horey ay Maxkamad ugu xukuntay dil.

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo qoraal kasoo saartay howlgalkii shaya dhacay ayaa sidoo kale sheegtay in la dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo la joogay sarkaalka la khaarijiyey, ayna ciidamada gacanta ku dhigeen hub iyo gaari NOHA.

Majiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Dowladda oo shaacisay inay Dishay Sarkaal halis badan oo ka tirsanaa AS
To Top