WARARKA SOOMAALI

Kulamada Golaha Shacabka Barlamaanka oo la hakiyay & sababta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya Sheekh Adan Mohamed Nur Madoobe ayaa shir guddoomiyay  kulanka 23-aad ee Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa Ajendihiisu ahaa hakinta fadhiga golaha inta lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka iyo fasaxa Ciida iyo ajandeynta warbixinnada la xisaabtanka Xukuumadda.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa lagu go’doomiyay in la hakiyo fadhiga Golaha laga bilaabo maalinta Sabtida ah oo ku beegan 17-Juun 2023-ka, isla-markaana dib loo furi doono 5-ta Bisha Luuliyo ee sanadkan.

Kulanka ayaa soo kale looga hadlay in Xukuumadda Federaalka ay soo gudbiso xisaab xirka miisaaniyadda ugu dambeyn 30-ka Juun, si waafaqsan Qodobka 102aad Faqradda 1aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS.

Kulamada Golaha Shacabka Barlamaanka oo la hakiyay & sababta
To Top