WARARKA SOOMAALI

Xarunta Baarlamaanka Dal ku yaalla Afrika oo mar kale Dab xoog leh ka kacay

Dab ayaa markale ka kacay xarunta dhismaha Golaha shacabka dalka South Afrika ee magaalada Cape Town, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiintu,iyadoo islamaalinimadii Axadda hore ahayd sidan oo kale dab uga kacay saqafka sare ee dhismaha Baarlamaanka.

Khasaaraha uu sababay dabkani ayaa lagu sheegay inuu baabiyey dhismaha dabaqa saddexaad oo ahaa dhisme isugu jiray Xafiisyo iyo goobo Jimicsi.

Muuqaal toos ah oo laga sii daayay telefiishan maxalli ah ayaa muujinayay dab-damiska oo sku dayaya in ay hawada ka damiyaan ololka saqafka sare ka kacay.

Booliska ayaa Axadii sheegay in ay qabteen 49 jir looga shakisan yahay in uu ku lug lahaa dabka, waxaana la filayaa in tuhmanaha la soo taago maxkamada maanta isagoo wajahayaa eedeymo ah inuu guri jabiyay iyo xatooyo, iyo sidoo kale dab qabadsiinta dhismaha Baarlamaanka.

Xarunta Baarlamaanka Dal ku yaalla Afrika oo mar kale Dab xoog leh ka kacay
To Top