WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Puntland oo Maanta xukun Dil toogasho ku riday Nin geystay….

Maxkamadda Darajada koowaad ee degmadda Burtinle ee Gobalka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sahal Xasan Maxamed oo dhawaan  burtinle ku diley marxuum  bishaar jaamac Faarax.

Xukunka Maxkamadda ayaa goobta ay ka dhacaysay waxa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee degmada Burtinle , Garsoorayaal, kaaliye yaasha maxkamadda , Xeer ilaalaiyaha guud ee maamulka Pintland , ehelada labada dhinac iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada .

Fadhiyo badan oo kiiskaan maxkamadda ka yeelatay kadib ayaa ugu dambeen garsoore Cali ibraahim maanta waxa uu ku dhawaaqay in Sahal Xasan Maxamed lagu xukumay dil toogasho oo ah qisaasta marxuumka uu dilay.

Maxkamadda Darajada koowaad ee degmadda Burtinle ee Gobalka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa marar kala duwan oo horey sidaan oo kale waxaa ay xukuno isugu jiray xabsi iyo dil toogasho ugu fulisay rag falal kala duwan geystay.

Maxkamadda Puntland oo Maanta xukun Dil toogasho ku riday Nin geystay….
To Top