WARARKA SOOMAALI

Hub farabadan laguna qarinayey Karaash oo gacanta lagu dhigay, kadib markii…

Laamaha ammaanka Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay hub la sheegay in si sharci darro ah lagu soo galiyay degaanada Maamulkaasi, waxaana soo qabashada hubkaasi iska kaashaday Booliska iyo laamaha Sirdoonka Puntland.

Hubka ayaa la sheegay in lagu qariyay Garaash Gawaarida la dhigto oo ku yaalla Magaalada Boosaaso, ee xarunta Gobolka bari, waxaana laamaha ammaanku intaa ku dareen in hubka lagu soo qariyay Gaari iska roge ah.

Laamaha ammaanka ayaa intaas ku daray in markii hore ay hayeen xogta gaariga, waxana la sheegay in Gaariga ciid lagu soo raray deedna hubka lagu soo hoos qariyay.

Baaritaan ayaa wali ku socotaa Gaariga, sida ay sheegen Boolisku, iyada oo la helay xog ku aaddan ciddda iska leh iyop halka loo waday hubkaasi iyo saanadda.

Hub farabadan laguna qarinayey Karaash oo gacanta lagu dhigay, kadib markii…
To Top