WARARKA SOOMAALI

Xukuumadda Soomaaliya iyo WFP oo heshiis kala saxiixday

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya, Elkhidir Daluum…

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xoojinta lahaa iskaashiga wasaaraddu ay la leedahay hay’adda WFP iyo sida loo sii ballaarin karo wada-shaqaynta labada dhinac.

Kulanka ayaa lagu saxiixay heshiis wada shaqayn, gaar ahaan wada shaqaynta hay’adda WFP ee la xiriirta Barnaamijka Qaran ee taageerrada Dadka nugul (Baxnaano),kaas oo sannadkan uu billaabanayo wajigii labaad,

Kulanka ayaa Waxaa sidoo kale diirrada la saaray ka jawaabida abaarta iyo saamaynta bulsho ee xaaladaha deg degga ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale WFP uga mahadceliyay shaqooyinka gargaarka ee ay ka qabato Soomaaliya,isagoo dhinaca kale ugu baaqay dhammaan hay’adaha gargaarka inay ballaariyaan ka jawaabida saamaynta abaarta.

Xukuumadda Soomaaliya iyo WFP oo heshiis kala saxiixday
To Top