WARARKA SOOMAALI

Xamse “Dalka oo yeesho MW & ku xigeen kama dhigna Burburinta nidaamka Dowliga”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galay Munaasabad casho sharaf ah oo maamulka Gobolka Banaadir u sameeyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran.

Xamse Barre oo khudbad ka jeedinaayay munaasabadda ayaa uga mahadceliyey bulshada caasimadda sida ay ugu dhabar adaygeen marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Muqdisho ay soo ka soo gudubtay dhibaatooyin badan oo isugu jira qax, burbur iyo colaado daba dheeraaday, hadana ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib-u-dhiska, bulshadana dib loogu soo celiyey talada, si ay hoggaankooda u soo doortaan.

Ra’iisul Wasaara ayaa sheegay in dalka oo yeesho Madaxweyne iyo ku xigeen aysan ka dhignayn in la burburinayo nidaamka federaalka, isaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta  in la yareeyo walaaca iyo shakiga la xiriira arrintan, ujeedkuna uu yahay in shacabka talada dib loogu celiyo.

Xamse “Dalka oo yeesho MW & ku xigeen kama dhigna Burburinta nidaamka Dowliga”
To Top