WARARKA SOOMAALI

Maxay ka hadleen MW Xasan Sheekh & Isimada SSC + SAWIRRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Isimada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool, isagoo xoogga saarayey sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaallamay Magaalada, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho xaaaladda, dowladda Federaalka Soomaaliy ayaa sheegay ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato, si loo joojiyo dhiigga qulqulaya.

Dhankooda, Isimada Dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaa ayna bogaadiyeen mowqifkii  Xukuumadda ee masiirka Sool iyo Sanaag, waxa kaloo ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhasahy dagaalka.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ka dhacay dagaallo khasaaro farabadan dhaliyey oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac iyo burbur xoog leh oo gaaray dhismayaashii ku yaallay magaalada, sidoo kalena kummanaan kun oo qof ayaa ku barakacay.

Maxay ka hadleen MW Xasan Sheekh & Isimada SSC + SAWIRRO
To Top