WARARKA SOOMAALI

NISA oo shaacisay inay gacanta ku dhintay Sarkaal sare oo ka tirsan AS

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in gacanta dowladda uu soo galay xubin sare oo ka tirsanaa Al-shabaab,  kaasi oo la sheegay inuu xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa.

Ninka ayaa magaaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Macalin Axmed balse Al-shabaab dhexdooda looga yaqaano, Abuu-Saacid ama Shariif, isagoo soo qabtay xilal ay kamid yihiin qaaddiga Maxkamad Gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Al-Shabaab.

Qoraal lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Federaalka ayaa lagu xusay in sidoo kale Abuu-Saacid uu soo noqday Lataliyihii Amarkii Shabaab Axmed Godane, Madaxii Zakawaadka Gobolka Sh/Hoose iyo kuxigeenka madaxii guud ee Zakawadka Al-Shabaab.

“Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Macalin Axmed Abuu Saacid waxa uu soo galay gacanta dowladda, waxaana uu isku soo dhiibay Hay’adda NISA” ayaa lagu yiri Qoraalka lagu daacabay warbaahinta dowladda.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaan weli ka hadlin Ninka ay sheegtay dowladda Federaalka inuu isku soo dhiibay oo sida la tilmaamay ahaa Garsoore xilal kala duwan kasoo qabtay Shabaabka.

NISA oo shaacisay inay gacanta ku dhintay Sarkaal sare oo ka tirsan AS
To Top